Jack Wilshere: Santi Cazorla waa Lionel Messi-geena Arsenal.

Santi Cazorla ayaa isku muujiyey qiimihiisa kulankii ay Arsenal 5-2 guusha uga gaartay Tottenham sabtidii, wuxuuna ahaa mid kubada marna jiida marna ka qeyb qaata kooxda baasaskeeda, xilli uu goolna dhaliyey, goolba dhiibay.

Jack Wilshere ayaa amaan kala dul dhacay xidigaan wuxuuna ku kaftamay inuu u ciyaaro sida Lionel Messi.

“Wuxuu ciyaarayey heerar kala gedisan,” ayuu yiri Wilshere. “Waad dareemeysaa inuu isagu kula ciyaarayo. Kubada xittaa meel qalad ah ma u baasayo. Xitta meel sax ah ayuu ku dhiibayaa hadii ay sedax ciyaaryahan ku hareereysan yihiin kubadahana wuu gedinayaa. Taasi waa mida uu ku fiican yahay.

“Mar kale ayaan dib u daawan doonaa kulankaas si aan wax uga barto Santi. Waa ciyaaryahan ka gedisan Cesc (Fabregas). Cesc wuu baasas badan yahay. Halka uu Santi kubada gambin karo, uuna ciyaartoyda garaaci karo. Wuxuuna leeyahay shuut xoogan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.