Marchisio: Juve waa inay Chelsea ula ciyaartaa sidii kulankii hore.

Claudio Marchisio ayaa uga digay Chelsea inay wajaheyso koox dhalin yaro Juventus ah kulanka habeenka talaadada ay kooxda Turin soo dhaweyneyso kooxda difaacaneysa koobka.

Labada koox ayaa doonaya inay u gudbaan wareega 16ka Champions League, iyadoo haatan ay ku jiraan marxalad adag, kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk ayaana u muuqata mid banaanka taal hadii ay garaacdo wiilasha Nordsjaelland.

Juventus ayaa laba isbuuc ka hor guul darro kasoo gaartay Inter Milan waana guul darradoodii ugu horeysay ee muddo 17 bilood ah kasoo gaarta Horyaalka, xilli aan 49 kulan dhinacooda dhulka la dhigin, Marchisio ayaana qirtay guul darradaas xanuunka badan inaysan kooxdiisa dib u dhac u keeni doonin.

“Guul darradii Inter waxay usoo cusboonaaneysaa mid fudud, wax micno ah ma sameyneyso, guul darradaasi waxay ka dhigeysaa ciyaaro kala duwan,” ayuu yiri Marchisio.

Juve, ayaa kasoo kabsatay xilli ay Chelsea 2-0 ku hugaamineysay Stamford Bridge, waxayna la galeen barbaro 2-2 ah, xilli kulankoodii ugu dambeeyey ee Champions league ay 4-0 ku qaarajiyeen Nordsjaelland.

“Kulankii Nordsjaelland waxaan muujinay inaan nahay Juve-dii sanadii hore, xanaaqaas, kalsooniadaas. Marka aan ka hor imaano Chelsea waa inaan u ciyaarnaa sidii kulankii hore ee London ka dhacay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.