Di Matteo oo u dagaalamaya inuu badbaadiyo shaqadiisa Chelsea.

Roberto Di Matteo ayaa u dagaalama inuu badbaadiyo shaqadiisa Chelsea keliya lix bilood ka dib markii ay kooxdu ku guuleystay Koobka kooxaha Yurub, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Kooxdiisa Chelsea ayaa guul gaartay keliya sedax kulan todobadoodii kulan ee ugu dambeysay, guul darro kasoo gaarta Juventus marka ay booqdaan Turin talaadada ayaa ka dhigeysa inuu shaki galo usoo bixitaankooda Champions League.

Ka dib markii ay si aad u fiican ku bilowdeen xilli ciyaareedkaan, tartanka Chelsea ayaa dhex galay xilli halis ah, taasoo qasbeysa in milkiile Roman Abramovich uu lumiyo dul qaadkiisa.

Kaligiis ma ahan, ee sidoo kale, goolhaye Petr Cech ayaa dhexda ka galay eedeymo kulul oo qolka lebiska ah ka dib kulankii guul darrada 2-1 aheyd ee sabtidii kasoo gaartay West Bromwich.

Ka dib kulanka Juve, kooxda Di Matteo ayaa wajaheysa kulan ka tirsan Barclays Premier League hugaamiyeyaasha Manchester City, kuwaasoo axada kusoo booqan doona Stamford Bridge.

Waa kulamo muhim u ah Di Matteo, iyadoo uu Abramovich isha ku haayo xaalada tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola kaasoo uu doonayo inuu ka shaqeeyo Chelsea marka uu tababarenimada kusoo laabto xagaaga soo aadan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.