Liverpool oo ka fikireysa inay Janaayo lasoo wareegto G.Rossi

Liverpool ayaa ka fikireysa inay Janaayo lasoo wareegto weeraryahankii hore ee Manchester United Guiseppe Rossi, inkatoo uu ilaa iyo bishii March ee sanadii hore garoomada dhaawac uga maqnaa.

Sida uu qoray wargeyska Metro, tababare Brendan Rodgers ayaa heysta fursad uu dalab ugu diro weeraryahanka Villarreal si uu ugu xaliyo dhibaatada werarka ka heysata kooxdiisa.

Ciyraaryahanka heerka caalami ee dalka Italy ayaa weli kazoo kabsanaya dhaawac kazoo gaaray jilibka markiisii labaad laakiin wuxuu mar kale diirada u saran yahay kooxo dhowr ah marka lagu daro Barcelona iyo Tottenham.

Iyadoo uu Luis Suarez yahay keliya ninka ay ugu xisaabtamaan gool dhaliyaha, Liverpool ayaa qiratay inay weeraryahan keensan doonto bisha Janaayo marka uu suuqu furmo.

“Waxaan dooneynaa inaan weeraryahan soo iibsano bisha Janaayo,” ayuu tababare Rodgers u sheegay TalkSport.

“Xaqiiqda ayaa midaas ah mar walba waxaan dooneynay inay xilli ciyaareedkaan dhaqdhaqaaq sameyno iyadoo ay kooxdu qarah gelineyso suuqa. Xilli ciyaareedkaan wuxuu noqonayaa mid nagu sii adkaada.

“Waxaan dooneynaa inaan Janaayo marka uu suuqu furmo wax uun sameyno, inagoo dooneyna inaan ciyaaryahano kooxda kusoo darno, taasi waa arinka xaqiiqda ah ee kooxdu haatan ku fikireyso.

“Waxaan dooneynaa inaan kor isku soo qaadno lixda bilood ee soo aadan taasna waa hadii aan Janaayo dhaqdhaqaaq fiican sameyno.

“Rajo weyn ayaan ka qabaa in xagaaga aan mar kale isku dhisi karno.”

Si kastaba, Liverpool ayaa loolal adag kala kulmi karta saxiixa Rossi xilli la ogyahay in kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Inter Milan ay horaan heshiis qiimaha ay kula soo wareegi karto 25 jirkaan ah la isku afgartay.

Dhanka kale, Middlesbrough ayaa qorsheyneysa inay sanada cusub lasoo wareegto xidiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool Stewart Downing oo ay dib ugu celshaan Teesside.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.