29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Gaari Dad badan ku haligay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Inta la Xaqiijiyay ilaa iminka Afar Qof ayaa ku geeriyootay  oo laba kamid ah ay Haween ahaayeen , waxaana Dhaawac uu soo gaaray Afar kale kadib markii Gaari uu ku Fariin Goostay Goob ay dad badan ku sugnaayeen.

Gaarigan oo ahaa mid  Xamuul ah ayaa waxa uu ku fariin koostay Barqonimadii maanta goob ay ku sugnaayeen Dad badan oo Shacab ah  Agagaarka Masjidka Biya-maaloow ee magaalada Muqdisho.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee uu Gaarigan Fariin goostay uu laba Ruux dilay Wadihii gaarigana uu isku dayay inuu yareeyo Khasaaraha hayeeshee ay dantu u awood sheegatay.

Gaariga ayaa ugu Dambeyn ku dhacay Dhisme ay ku sugnaayeen dad badan taas oo Khasaaraha ugu badan ee Shilkii Maanta uu ka dhashay, waxaana halkaasi isugu soo baxay dad weyne badan oo Gurmad ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa  dawlada oo ku sugnaa Saldhiga degmada H/wadaag ayaa qeyb ka ahaa dadkii gurmadka usameeyey shacabkii waxyeelada maanta kasoo gaartay Shilka gaari ee ka dhacay agagaarka Masjidka Biya-maaloow.

Dadkii uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa loola cararay Xarumaha Caafimaad ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Gaariga Dhibkan geystay uu ka soo Shiraacday Dekeda Magaalada Muqdisho .

Bur Burka Wadooyinka Muqdisho, iyo Xirfad yarida Wadayaasha Gaadiidka ayaa loo aaneeyaa inta badan Shilalka gawaarida .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News