Dhagayso: Aw-libaax “Axmed Madoobe wuxuu jabiyey heshiiskii lagu doortay”

Nairobi (Caasimada Online) – Xiriirka ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Aw-LIbaax, oo markii horeba ku bahoobay maamulka Jubbaland, ayaa sii xumaanaya, ayada oo labada dhinac is-aamin la’aan ay soo kala dhex gashay.

Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibax oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Libaax ayaa ku eedeeyay Hogaamiye Madoobe inuu jabiyay heshiisyadii la wada gaaray isla markaana uu soo dhisay maamul aysan dadka deegaanku raali ka ahayn.

Hoos ka dhagayso Waraysi Xiiso badan oo uga hadlayo arrimahaasi.

libaax

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com