Dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya oo la soo gebo gebeeyay

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysi socday isbuuc oo ku saabsanaa diidmada horudhaca ah ee ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya maxkamaddaasi u gudbisay 2 sano ka hor.

Dooda labada dhinac

Soomaaliya ayaa mar kale ku gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

Sidaas darteedna dacwaddan ay ka baxsantahay xeer -xeyndaabka maxkamadda maadaama ay maxkamaddu qaado dacwadaha dalalka siyaabo kale ku heshiin waayay.

Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

Go’aanka Maxkamadda.

Go’aanka maxkamadda ayaa noqon doona mid kama dambeys ah, oo ay tahay in labada dal ay u hoggaansamaan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaalia, Dr. Axmed Daahir, ayaa sheegay in garsoorayaasha maxkamadda ay go’aan ku gaari doonaan 3 bilood gudahood.

Haddii ay maxkamadu go’aamiso in Kenya aysan daw u lahayn diidmada dacwadda, waxay Kenya ku khasbanaan doontaa inay ka jawaabto dacwadda ay maxkamaddu heysay Soomaaliya sanadddii 2014-kii.

Balse taasi badalkeeda haddii garsoorayaasha ay qaataan dooda Kenya markaasi waxaa labada dal u furnaan doonta in ay khilaafkooda ku dhamaystaan wadahadal.

Dhagaysigan la soo gabogabeeyay ayaa khuseeyay oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Amsterdam
caasimada@live.com