Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka.
Ka hor dhageysiga khudbadaha afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan, Jawaari ayaa sheegay in musharixiinta ay heystaan seddex fursad oo khudbadahooda kusoo bandhigi kareen.
Tan koowaad waxay aheyd doodii baaqatay 31-kii Janaayo, tan labaad waxay tahay khudbadaha maanta ay jeedinayaan, tan seddexaadna ay tahay in musharax walbaa loo ogol yahay muuqaal kooban oo looga sii deynayo TV-ga iyo raadiyaha qaranka.
Sidoo kale ka hor dhageysiga khudbadaha guddoonka baarlamaanka uu lacag ku wareejiyay gudiga gurmadka abaaraha qaranka, waxaana lacagta u guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta, waxaana lacagta ay tahay mid kasoo xarootay isdiiwaan gelintii musharixiinta.
Axmed Maxamed Cabdi, oo ah musharax madaxweyne ayaa ka maqan khudbad jeedinta maanta, maadaama uu cudur daartay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka, waxaana loo daayay go’aanka laga qaadanayo guddiga doorashada madaxweynaha dalka .

