Dhageyso: Aabe Aweys: “Dilka carruuteyda waxa uu ahaa mid abaabulan”

Baydhabo (Caasimada Online) – Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay dilka loo geystay labo caruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo shalay meydadkooda laga helay duleedka magaalada Baydhabo.

Aabo Aweys ayaa falkaasi ku tilmaamay ‘mid fool-xun oo la abaabulay’, wuxuuna laamaha amaanka ka codsaday in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka caruurtiisa.

Caruurta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi ayaa waxay kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir, waxaana iyaga oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

“Ilaahay wixii uu qadaray raali ayaa ka nahay, wixii ilaahay xukumo uu qaddaro anagana raali ayaa ka nahay, waxaan dalabanayaa in cadaalada la mariyo cidii ka dambeysay dambigaas, wana u mahad-naqayaa dadkii igala qeyb qaatay duugistii caruurta yar,” ayuu yiri Aweys oo la hadlay idaacada VOA-da.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey in kiiska caruurta ay ka warheleen 7-dii bisha oo aheyd maalinkii Arbacada, islamarkaana ay baadi-goob dheer kadib ay 8-dii bishan heleen meydka caruurta.

“Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee Magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka shalay kasoo baxay taliska.

Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxay laamaha amaanku shaaciyeen in lasoo qabtay dad ay ku tuhunsan yihiin falkaas, waxaana weli socota baarista dilkaan oo dadka magaalada Baydhabo ku abuurtay wal-wal iyo walaac aad u xoogan.

Hoos ka dhageyso codka Aabe Aweys