Wasiir Beyle oo ka hadlay lacagta cusub ee ay soo daabceyso DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha hortaagan in xiligan ay dowladda federaalka daabacato lacag cusub.

Beyle ayaa sheegay in daabacada lacagta ay dadaalo ugu jireen tan iyo markii uu xilka qabtay oo ku siman Afar sanno ka hor, islamarkaana ay xanuun badan ku hayso in ilaa hadda aysan ku guuleysan daabacada lacagta cusub ee dalka.

Waxa uu is-dul-taagay in arrinta daabacada lacagta ay ilaa hadda hortaagan tahay in si sax ah loo jaangooyo cadadka lacagta, aqbalaada shacabka iyo dowladda goboleedyada, sidoo kale waxa uu xusay in ilaa hadda ay dhiman tahay in heshiis lala galo Shirkaddii loo dhiibi lahaa ee daabici laheyd.

“Soomaaliya waa ku ceeb in ay daabici wayso lacag, waana xannuun weyn oo nagu taagan, ilaa maalintii aan halkaan imid oo Afar sano laga jooga dadaal ma yareysan, waxaana dhiman in aan Shirkad u dhiibno si ay usoo saarta,” ayuu yiri C/raxmaan Beyle.

Waxa uu intaas sii raaciyey hadalkiisa “Waxaa kale oo yaalla ma aqbali doonaan dadka iyo Dowlad-Goboleedyada, imise ayay dhan tahay, maxaase nooga baxaya dabcan xal ayay u baahan yihiin su’aalahaas.”

Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in ka fikir badan ay u baahan-tahay tirada la daabacayo iyo qaabka loo meel-marinayo lacagtaas una bedeli laheyn tan hadda shaqeysa oo silac badan ka muuqdo