PUNTLAND oo si kulul uga jawaabtay arrin uu FILISH sheegay inay dalbadeen

Garowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), oo sheegay in Puntland iyo Jubaland ay dhaheen “ha la kala diro dowladda.”

Jaamac Dabraani, oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo qoraal kooban kusoo daabacay barta twitter-ka, ayaa hadalka Cumar Filish ku sifeeyay been abuur.

“Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntlandiyo Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo,” ayuu soo qoray Jaamac Dabaraani.

Hadalka kasoo yeeray madaxtooyada Puntland ayaa imaanaya kadib markii uu gudoomiye Cumar Filish uu weerar ku qaaday madaxda Puntland iyo Jubaland, kadib markii dolwaddu ay shaacisay inuu fashilmay shirkii Afisyoone, isaga oo sheegay iney yahiin kuwa masuulka ka ah iney burburaan wadahadalladii doorashada.

“Doorashada inay qabsoonto oo si xalaal ku qabsoonto waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka, dowladda waa qabaneynaa diyaar u nahay taagan tahay, kuwa kale waxay taagan yihiin maba la qabanaayo, illaa qodobkan aniga la ii fuliyo, waa in danteyda aan hela, haddii kale maba la qabanaayo,” ayuu yiri Cumar Filish

Gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay xubnaha aan qarsan iney gadaal ka joogaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana wuxuu ka mid yahay xubnaha warbaahinta la hadla marka ay jiraan waxyaabo liddi ku ah dowladda wakhtigeeda dhamaaday.