Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ‘loo doortay’ madaxweynaha Jabuuti

Djibouti (Caasimadd Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleystay tartankii doorashada Jimcihii shalay, waxaana kula tartamayay doorashada ganacsade Sakariya Ismaaciil Faarax.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.5% codadkii la dhiibtay ama guud ahaan 167,535 cod, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Muumin Ahmed, halka  Sakariya Ismaaciil Faarax uu helay kaliya 1.5%

Murashaxa la tartamayay Mr Geelle ayaa diiday Jimcihii inuu codkiisa dhiibto isagoo ka cabanayay qaabka kooxda doorashada qaabilsan ula dhaqmeen.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashaddiii ugu horeysay ee Jabuuti ku guuleystay 1999 iyadoo xiligaasina aysan jirin cid kula tartantay, wuxuuna xukunka madaxtinnimada kala wareegay madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti Xasan Guulleed Abtidoon oo abti ahaan ugu aadan Ismaaciil Cumar Geelle.

Mucaaradka iyo shacabka Jabuuti ayaa ku eedeeya Ismaaciil Cumar Geelle hoggaamiye aan ogoleyn nidaamka xisbiyada badan ee doorashada iyadoo dadku ka cabtaan caburin iyo xarig sharciga aan waafaqsaneyn.