Prince Philip oo geeriyooday – Wax ka ogow taariikhdiisa

London (Caasimada Online) – War goordhoweyd kasoo baxay qasriga boqortooyada UK ee Buckingham ayaa lagu shaaciyey geerida Prince Philip oo ahaa ninka qaba Boqoradda UK Queen Elizabeth II.

Amiir Philip ayaa geeriyooday asagoo jira 99-sanno, wuxuuna boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad.

“Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh. Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay qasriga Buckingham.

Philip oo ahaa amiirka Edingburgh ayaa waxa lasoo warinaya in uu afar toddobaad ku qaatay isbitaal horaantii sanadkan si uu u helo daaweyn caabuq iyo inuu baaritaano wadnaha, ayada oo ugu dambeyntiina uu ku laabtay Windsor horraantii Maarso.

Prince Philip iyo Elizabeth II  ayaa waxay isku dhaleen far carruur ah, 8-deed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda, halka 10 kale ay iyagu sii dhaleen.

Geerida Philip’s ayaa waxaa si qiiro leh uga tacsiyadeeyay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson oo sheegay in lagu xasuusan doono garab istaagii Boqorada iyo Boqortooyadaba, isagoona ku amaanay garab istaagii Elizabeth II.

Prince Philip oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Giriigga ayaa Boqor George VI waxa uu 20-kii bishii November ee sanadkii 1947-kii ku sharfay xilka ku biirista boqortooyadiisa maalintii ugu horreysay ee xafladdii arooskiisa, waxaana markiiba loo magacaabay inuu noqdo Amiirka Edinburgh, Merioneth iyo Greenwich.

Waxa uu ku guuleystay inuu doorkiisa u adeegsado waxtar badan oo uu kusoo kordhiyay nolosha Britain iyo in uu qaatay kaalinta uu ku caawinayay Boqortooyada si ay isbadallo badan u sameyso sannadihii ay jirtay.

Sida la rumeysan yahay guushii ugu weyneyd ee uu gaaray shaki la’aan waxay ahayd sida joogtada ah ee uu hiil iyo hoo ula garab taagnaa boqoradda oo sannado badan xilka heysay.

Waxa uu aaminsanaa inay shaqadiisu ahayd, sida uu u sheegay qoraagii taariikhdiisa, “Inuu xaqiijiyo in Boqoraddu ay xilka heyso”, waxayna dhowr jeer Boqoraddu ku ammaantay inuu ahaa awoodda iyo taageeradeeda dhammaan sannadihihii ay wada joogeen.

Prince Philip ayaa sidoo kale waxa uu noqonayaa, islamarkaana uu ahaa seygii ugu waqtiga dheeraa ee abid inta la xasuusto soo mara boqortooyada taariikhda Britain.