Madaxweyne DENI: “Ma la isaga harayo in Dubbe uu nagu sifeeyo Al-Shabaab”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga jawaabay hadal gef ahaa oo kasoo yeeray wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe.

Warbaahinta dowladda ayaa sii deysay Arbacadii muuqaal lagu tuhmay inuu yahay mid horay loo duubay oo ay dowladda kaga hadashay fashil ay sheegtay inuu ku yimid shirkii ka socday teendhada Afisyoone, wuxuuna madaxda Puntland iyo Jubaland ku sifeeyay kuwa “jid iyo jiho-diid ah” oo aan ogoleyn wax doorasho ah.

Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in hadalkaas loo adeegsado, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la isaga hari doonin, balse wuxuu ka gaabsaday tallaabada ay qaadayaan.

“Walaahi eraygaas jid iyo jiho-diid ah waxyaabaha aan sheegayey ee cabsida abuureysa qeyb kamid ah waaye. Aniga waxaan u dhadhansanayaan dhiigiinaa baneysaneynaa macnaheedu waaye. Maxaa yeelay waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay,” ayuu yiri Saciid Deni oo su’aalo lagu weydiinayay barnaamijka awoodda 5-aad ee TV-ga Dalsan.

Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay: “Marka in annaga Shabaab nagula sifeeyo oo uu wasiir Dubbe yiraahdo, runtii arrin la isaga hari doono ma ahan. Qoraalkana way ku taalay dowladda federaalka ahina way xigatay. Fahamka uu bixinayo erayga waa macno khatar ah.”

Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay inuusan ogeyn shir burburay, islamarkaana ay diyaar u yahiin ka qeybgalka wadaxaajoodyada la filayo iney kasii socdaan teendhada Afisyooni.

Beesha caalamka mar kale ugu baaqday in la isku soo laabto iyadoo dowladda sheegtay in shirka burburay, balse madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxey sheegeen iney wali diyaar u yahiin shirka inuu sii socdo.