Dhageyso: Ahlu Sunna oo kasoo horjeesatay Shir Muqdisho ka Socda

Dhuusomareeb(Caasimada online) Ururka Ahlusuna Waljamaacaya ayaa si cad uga Soo horjeestay Shirka Arimaha diinta looga hadlayo  ee ka socda Magaalada Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya qaban qaabisay.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir, Guddoomiyaha Golaha Talada Ahlusuna  ayaa sheegay in ururka Ahlusuna ay si buuxda uga soo horjeedaan shirka arimaha diinta looga hadlayo ee Muqdisho ka socda.

Arintan ayuu ku sababeeyay inay tahay in hadii ay yihiin ururka ahlu sunna laga soo garay Diinta islaamka Sida uu sheegay , waxaana yy sheegay in aan shirka Muqdisho ka soconaya aan lagala tashan .
Qodobada kasoo baxa shirkaas ayay ururka ahlu sunna Sheegeen in marnaba aysan aqoonsan dooniin Maadaamada aan ururkaas lagu Casuumin Shirkaas sida uu carabka ku adleeyay Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir.

Ururka ahlu sunna dhawaan waxay sheeeciyeen inay si dhab ah ugu mid noqdeen dowlada Soomaaliya isla-markaana ciidamada Ururkaas la qarameeyay sida dhawaan Saraakiisha ururkaas ay shaaciyeen

Muqdisho ayaa maalintii labaad waxaa ka socda shirweyn looga hadlayo xal u helidda mushkiladda Guluwiga “ku talax tagga Diinta” kaasi oo Dowladda Soomaaliya soo qaban qaabisay culimadda Soomaaliyeedna ay qeyb ka qaaten.

Si kasto waxaa laga warsugayaa waxyaabaha kulankan kasoo baxa iyadoona shirkan uu yahay kii Seddexaad oo tan iyo Markii dowladana la magacaabay lagu qabto Muqdisho.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir
Caasimada online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com