Dhageyso AW-LIBAAX: “Airport-ka iyo xarumaha anagaa joogna, ma arag wax Jubaland la yiraah”

Baardheere (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo ka mid ah Masuliyiinta hogaaminayay Ciidamadi dhawaan qabsaday Dagmada Baardheere ayaa waraysi dhinacyo badan tabanaya siiyay warbahinta.

Sheekh Aw-libaax ayaa waxaa u waraysigiisa ku sheegay in guud ahaan Dagmada Baardheere ay gacanta cadowga ka baxday hadana gudaha Dagmada ay ku sugan yihiin Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada Somalia.

Masulkaan oo la waydiyay halka ay magaalada uga sugan yihiin ayaa waxaa uu sheegay in Saldhiga Booliska, Xarunta Dagmada iyo Airporka Magaalada Baardheere ba ay ayagu gacanta ku hayaan sido kale waxaa uu shegay in bartamaha magaaladana ay ku sugan yihiin.

Mar wax laga waydiyay in Ciidamada qabsaday Dagmada Baardheere ay qayb ka yihiin Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in u ku sugan yahay Dagmada Baardheere islamarkasna usan arag Ciidan ku howlgalaya Magaca Jubbaland.

Qaybta Hoos ka dhagayso waraysigaan oo dhan

Caasimada Online
Xafiiska Baardheere
Caasimada@live.com