Wasiir Odowaa oo hadal uusan fileyn ka hor yiri Xasan Sheekh, caleemo saarkii C/kariimGuuleed

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa shalay labo sano kadib madaxweynaha Soomaaliya soo xasuusiyay madaxweynihii maamulka Ximan iyo Xeeb Mr Tiiceey oo ku xiran dalka Belguim-ka.

Maxamed Cabdulaahi Macalin Tiiceey, madaxweynihii Ximan iyo Xeb ayaa muddo labo sano ah ku xiran dalka Belgium-ka halkaasi oo si shirqool ah lagu geeyay kadibna lagu eedeeyay dambiyo ku aadan dhanka kooxaha burcad badeeda  Soomaaliya.

Wasiirka arimaha gudaha Mr Odowaa, ayaa sheegay in goobta lagu caleemo saaray madaxweyne Guuleed uu ahaa ruuxii ka shaqeeyay nabadeynteeda uuna kaga soo tagay dalka Mareykanka iyadoo Cadaado ay ka adkeyn sida ay maanta tahay.

“Mudane Madaxweyne maanta halkaan aan joogno oo aan ku faraxsanahay waxaa caruurtiisa usoo cidleeyay isagoo Mareykanka degen Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey, aaway hadda mudane madaxweyne, reer galbeedka waxay noo sheegaan oo ay nagu cadaadiyaan iney xuquuqda aadanaha dhowraan muddo labo sano ayuu xiray yahay mana jirto wax dacwad ah” ayuu Odowaa si lama filaan ah ugu yiri Xasan Sheekh.

“Annaga markaan hal wariye xirno ama ruux kale la xiro waxay dhahaan 21 saac waa inuusan ka badneyn xirnaan laakiin Tiiceey aaway labo sano lama hayo, marka madaxweyne waa in Tiiceey la raadiyaa”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com