DAGAAL ka qarxay magaalada CAABUD-WAAQ

Galgaduud (Caasimada Online) – Wararka saaka naga so gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaasi ayaa bilowday salaadii subax ee saaka kadib waxaana lagu soo waramayaa inuu sababay dhimashada labo ruux oo deegaanka ah, lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhaxeeyo maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidamo taageersan Ahlu sunna Waljamaaca kuwaasi oo ka careysan tagi taankii madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu ku tagay magaalada Caabudwaaq.

Xaalada magaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana laga baqayaa in dagaalka uu intaasi kasii xoogeysto, waxaana ilaa iyo hadda maqan korontada magaalada, maadaama labo shirkad oo koronto siin jiray ay dansadeen xalay markii dagaalka uu bilowday.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com