Dhageyso Axmed Diriye Cali: Puntland waa xaasid aan waxba innoo ogoleyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Hawiye ayaa taageeray maamul u sameynta goballada dhexe ee dalka gaar ahaan gobalada Mudug iyo Galgaduud, oo qarshahooda laga billaabay Villa Somalia.

Waxa uu sheegay in dhismaha maamulkaasi uu yahay mid loo baahnaa, dadka kasoo hor-jeedana ay yihiin xaasidiin aan nabbada u ogoleyn dadka gobolladaas dega, ee iminka horumarka uu usoo muuqday.

“Haddii loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dad bay meeli bugtaa” ayuu yiri Axmed Diiriye Cali, wuxuuna intaas ku darray in dadka arrimahaas diidan uu alle kasoo aruursho xaasidnimada ku maqan.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan shuqul ku lahayn labadaasi gobal oo ay deggan yihiin dadkii xaqa u lahaa, islamarkaana ay Puntland maamulkeeda dhisatay.

“Waxa Puntland ay waddo waa xaasidnamadii Soomaali kala reebtay” ayuu yiri.

Halkan hoose ka dhageyso Axmed Diiriye Cali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com