Xog: Muxuu C/Weli u tagayaa Garowe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in dhawaan Wafdi uu Hoggaaminaayo C/Weli Sheekh ay u ambabixi doonaan Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa dhici doonna sideedda bishan Augutst, waxaana uu imanayaa xilli DF iyo Puntland aysan wax xiriir ah ka dhaxeyn.

Ujeedka Socdaalka Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa qeyb ka ah Buuqii ka dhashay Heshiiska dhawaan ka dhacay Madaxtooyada Somalia ee leysugu keenaayay Maamulada Gobollada Dhexe ee dalka oo ku midoobaya hal gobol.

Sidoo kale, Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa imnaya, ayada oo Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas uu shaaciyay inuu jaray xiriirka kala dhexeeyay Dowlada Federaalka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com