XOG: Guddoomiyihi gobalka GEDO oo ku biiray maamulka AXMED Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiil u hadlay maamulka KMG ah ee Jubba ayaa u sheegay Caasimada Online, in guddoomiyihii gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdikaliil iyo ku-xigeenkiisa ay uu ku biireen maamulka Axmed Madoobe.

Mudane Kaliil iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shaley ka dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo,waxaana halkaas ku soo dhaweyay mas’uuliyiin maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsan.

Wafdiga ayaa markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo halkaasoo uu kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba. C Fartaag.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha ay ka hadleen labada nin, balse waxaa la hubaa in uu Kaliil guddoomiyihii gobalka Gedo uu sheegay in uu ka mid yahay maamulka KMG ah ee Jubba wixii maanta ka dambeeya sidda ay noo xaqiijiyeen ilaha warkan noo sheegay.

Si kastaba, Maxamed Cabdikaliil oo horrey u diidanaa maamulka Axmed Madoobe ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisa ay wax iska badleen.

Ma jirto cid ka hadashay wax yaabaha guddoomiyihii gobalka Gedo iyo ku-xigeenkiisa ay ku tageen magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sidda qorshaha uu yahay waxaa uu ka arrimayaa gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kaliil ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoona dhawaan sheegay in uu madaxweynaha ka tagay markii uu booqanaayay degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo isla markaana aan loo soo sheegin tagi taanka madaxweynaha magaaladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com