XOG: Mustaf Dhuxulow oo xusul duub adag ugu jiro XIL cusub (Waa xilkee?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in wasiirka warfaafinta DF Somalia Mustaf Dhuxulow uu xusul duub adag ugu jiro xil ka duwan kan uu iminka haayo ee warfaafinta..

Xubno ku dhow wasiirka, ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Mustaf uu rabo inuu ka dhex faa’iideysto isku shaandheynta uu Wado Ra’isul wasaare C/Weli, oo la filayo inuu is-beddelo sammeeyo, isagoona doonaya Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaa sidoo kale Mustaf uu ka faa’ideysanaya khilaafka ka dhex oogan wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo isku qabtay dhismihii maamulka Koonfur galbeed.

Si kastaba ma cadda, haddii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay aqbali doonaan damaca Mustaf Dhuxulow.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa si xooli ah uga socdo dadaalada isku shaandheynta, waxaana la filayaa in isku shandheyntaasi ay galaafan doonto dhowr wasiir oo ay madaxda u arkaan kuwa aan xilkooda sii heyn Karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com