XOG: DFS oo xil ka qaadis la dmaacsan guddoomiye goboleed qabiil la saftay

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho ayaa sii deysay war ku saabsan in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ay wado qorshe xilka looga qaadayo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Idaacadan oo soo xiganeysa ilo xog-ogaal ayaa sheegtay, in dowladda ay ku talla jirto in ay xilka ka qaado guddoomiye Siidii, waxaana ay lee dahay guddoomiyaha wuxuu la saftay dhinacyo ka mid ah maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Idaacadda aan warkan ka soo xiganay ma aaney sheegin xilliga laga qaadayo xilka guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose oo muddo dheer xilkaas hayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan siddii lagu soo afjari lahaa dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaan ilaa hadda ka hadlin warkan ay sidda xogta ku heshay Idaacadda maxaliga ee SKY.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in dowladda ay xil ka qaadis ku sameyn doonto guddoomiyaah gobalka Shabeellaha Hoose, Siidii.

Ma jirto wax war ah oo ka soo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Siidii, oo ku aadan warkan cusub ee warbaahinta la soo gaarsiiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com