Xasan Sh. oo qaatay go’aan geesinimo leh oo ka dhan ah ciidamada Amisom

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amray Amisom inaysan dalka Soomaaliya keeni karin ciidamo ka socda dalka Sierra Leone, illaa amar dambe.

Xasan Sheekh, ayaa arrintan shaaca ka qaaday mar uu Weriyayaasha kula hadlay caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC, oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka Hoggaamiyayasha Afrika iyo Maraykanka.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS, ayaa ka soo xigatay Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud inuu caddeeyey inaysan Ciiddamo cusub oo ka socda dalka Sierra Leone imaan karin Somalia, tan iyo inta ay Dowladda Somalia ka hubinayso inaysan Ciiddanka cusub ee ka imaanaya dalka Sierra Leone qabin cuddurka Ebolo.

“AMISOM waa inay joojiyaan Isbedelka Ciiddamadda Sierra Leone iyo kuwa cusub ee ka imaan lahaa dalkaasi,” ayuu yiri yiri Madaxweynaha oo dhinaca kale ka gaabsaday inuu bixiyo xilli cayiman oo ay Dowladda Federalka xayiraadda ka qaadayso Kala-wareejinta Ciiddamadda Sierra Leone ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Tiradda guud ee dadka u geeriyooday Cuddurka Ebola ee ka dillaacay dalal ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika o oay ka mid yihiin Sieera Leone iyo Liberia ayaa waxay haatan gaareen 887-qof.

Go’aanka madaxweynaha ayaa ah mid muhiim u ah in dalka Soomaaliya aan loo safrin cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

Caasimada@live.com