Qeybdiid oo shaaciyey arrin aan horey loo ogeyn oo maamulka cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay heshiis dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo uu maamulkiisa wax ka saxiixay laguna rabo in lagu dhiso maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Qeybdiid waxa uu shaaciyey in maamulka cusub magaciisa sii ahaan doono Gal-Mudug, taasi oo aan heshiiskii la gaarin ku jirin, balse uu isaga shacaiyey.

Cabdixasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha maamulka cusub uu soo socday muddo sannad iyo sideed bilood isagoona intaas ku daray in qorshaha uu yahay siddii loo mideen lahaa maamulada ka dhisan gobalada dhexe sidda, Gamudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyadaas ay diyaar ahaayeen markii hore in maamulka la dhisaayo uu noqdo Galmudug, balse markii dambe ay la yimaadeen arrimo kale oo la xiriira dano sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weydiiyay bal sida uu u arko hadalka ka soo baxay Puntland ee ay ku qaadaceyn heshiiskii Villa Somalia ka dhacay, wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland markii uu ahaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ka qeybgalay shirarkii maamulkan loogu gogol xaarayay ee Garoowe 1, Garoowe2 Iyo Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Gaas uu raali ka ahaa in la sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe isla markaana maamulkaas uu maamulka la dhisaayo uusan caqabad ama culeys ku noqon doonin maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiqeybdiid ayaa xusay in madaxweyne Gaas ay ka filaayeen in uu taageero maamulkan balse uu ka mid noqday dadka mucaaradsan.

Waxaa muuqata in maamulada loo dhisaayo gobalada oo hadda mucaarad xooggan la kulmay in uu hor boodayo madaxweynaha Galmudug oo uu rabo in la hooskeeno maamulkiisa, arrintaasna dowladda ayaa la og sidaas waxaa qaba dadka arrimahan la socda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com