JAWAARI oo iska fogeeyay shir qoolka FAARAX C/QAADIR, runta u sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinaayay xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka, oo dhawaan uu soo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arrimaha fedaraalka isla markaana golaha wasiiradda ay ku ayideen.

Xafladda oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa oo uu ku shiro baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Prof Jawaari iyo wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Ridwaan Xirsi Maxamed.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo hadda ku-simaha madaxweynaha ayaa xafladda ka sheegay in sida sharciga uu yahay inta uusan shaqada billaabin xeer ilaaliyaha cusub Mudane Axmed Cali Daahir loo baahan yahay in uu ku hor dhaarto madaxweynaha Soomaaliya balse madaxweynaha uu ku maqan yahay shaqo qaran.

Jawaari oo iska fogeenaya shirka uu soo diyaariyay Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa yiri, anniga maadama aan ahay ku simaha madaxweynaha ayaan arrintan uga qeybgalay balse shaqo kuma lihi.

Hadalkaas sidda ay lee yihiin dad darsa arrimahana waxay lee yihiin waxaa ka muuqata guddoomiyaha golaha baarlamaanka in uusan raali ka ahayn wax yabaha ay wadaan wasiirka garsoorka iyo Dam-jadiid.

Waxaa kaloo sheegis mudan in kulanka maanta ka dhacay Villa Hargeysa uusan joogin wasiirka garsoorka iyo arrimaha fedaraalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir sidda ay soo wariyeen suxufiyiinta joogay madasha.

Dhawaan ayey ahayd markii uu si cad ah u sheegay xeer ilaaliyihii hore ee qaranka Cabdiqaadir Maxamed Cismaan in uusan oggolaan doonin xil ka qaadista lagu sameeyay isla markaana uu yahay weli xeer ilaaliyaha qaranka.

Dowladda ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay xeer ilaaliyaha, waxaana muuqata in wasiirka garsoorka uu rabo in uu fargalin ku sameeyo hey’adda garsoorka oo ah hey’ad madax bannaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com