XASAN SH. oo faah-faahin ka bixiyey 2 arrin oo muran iyo eed badan dhaliyey

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa wax laga weydiiyay arrimo badan.

Haddaba wax yaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ahaa arrinta ku saabsan xuduudaha badda Soomaaliya oo markale uu murankeeda soo laabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in uu QM u gudbiyay warbixin ay ku cadahay xuduudaha badda Soomaaliya halka ay ka billowdaan iyo halka ay ku dhammaadaan, wuxuuna sheegay in arrintaas ay xaq u lee dahay dowladiisa.

Wuxuu sheegay in badda Soomaaliya ay 23-kii sanno ee la soo dhaafay ahayd mid beylah ah oo wixii la rabo laga sameeyo balse arrintaas ay soo dhammaatay caalamkana u sheegeen in bada Soomaaliya uu ay soo aruursan tahay.

Madaxweynah ayaa sheegay in sidda Soomaaliya ay u dacweyn karto dal iyadaha la dacweyn karo, balse wuxuu ku celceliyay haddii ay jiraan dowlado dacwado ka ah xuduudaha badda in ay diyaar la yihiin siddii ay uga qancin lahaayeen arrimahaas.

Madaxweynaha waxaa kaloo la weydiiyay hanti Soomaaliya badan u tiilay waddamada caalamka taasoo la xayiray intii dagaallada ay ka socdeen dalka 23-kii sanno ee la soo dhaafay, taasoo hadda dowladiisa ay billowday in u xilsaartay shirkad Maraykanka fadhigeedu yahay taasoo soo aruurin doontaa.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in arrintaas ay sax tahay oo isaga ay mas’uul ka tahay in la soo aruuriyo hantidii Soomaaliya ay lahayd ee dibadaha ku dayacan sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in lacagahaas qaar badan la soo xareeyay loona isticmaalay arrimo muhiim ah shacabka iyo qaranka isla markaana lacag kasta wax yaabaha loo isticmaalay iyadoo dukuminti ah ay dowladda gacanta ku heyso.

Wuxuu sheegay in lacagahaas qaar badan la dhigay bangiyo caalami ah iyo bangiga dhexe ee Soomaaliiya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn la weydiiyay in uu fariin u diro shacabka,wuxuuna shacabka ka codsaday in ay ku kalsoonaadaan dowladda isla markaana wax badan oo la qabtay ay jiraan iyo wax yaabo badan oo aan la qaban kuwaasoo la dhammeestiri doono sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu yiri “Dadka yaanan la weynaanin waxa harsan ee wixii la qabtay ee wanaag ah iyagana hala weynaadaan”. 

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

Caasimada@live.com