C/WELI GAAS oo ku kacay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii C/raxman Farole

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay markii uu shaqada ka ceyriyay madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsanaa maamulkii hore ee Faroole.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, ayaa xilka looga qaaday agaasimihii hore ee Talafishanka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) waxaana xilka loo magacaabay nin wariye ahaa sidoo kale waxaa shaqada laga ceyriyay taliyihii ciidanka madaxtooyada Cumar Faroole iyo taliye ku-xigeenka ciidanka booliska.

Haddaba arrintaas markii ay soo baxday, waxaa dhacay in ciidamo dhar cad ah ay la wareegaan xarunta talafishanka abaare 11-kii maanta barqadii, waxaana shaqaalaha joogay xarunta ay ku amreen in ay ka tagaan oo ay qaataan wixii agab ah ee meesha u yaalla sidda kumpuyuutaro ay lahaayeen iyo wax yaabo kale oo markaas ay gacanta ku hayeen, waxaana ay amar ku bixiyeen in talafishanka la damiyi siddaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Markii ay arrintaas dhacday, magaalada dhan ayaa waxaa is-qabsaday warar ku saabsan in uu jirro afgami lagu sameyn rabo maamulka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana magaalada laga dareemay guux ballaaran oo ku aadan in ciidamo gadoodsan ay rabaan in ay la wareegaan xarumaha dowladda.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa tagay goobta uu ku yaalla talafishanka, waxaan ay isku gadaameen dhismaha Talafishanka iyadoona maleeshiyaadka qabsaday ay weli ku jiraan gudaha Talafishanka Puntland oo dhowr saac hawada ka maqan.

Ma jirto wax iska hor imaad ah oo dhexmaray ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaadka qabsaday talafishanka dowlad gobaleedka maamulka Puntland mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Garoowe.

Waxaa muuqata sidda ay lee yihiin dadka odorosa arrimahan howgallo uu wado madaxweynaha Puntland oo ku aadan in uu xididada uu ku siibo maamulkii hore, balse taas waxaa ka soo horjeestay maleeshiyaad daacad u ah madaxweynihii hore ee Faroole iyo qoyskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com