Ciidanka Barre oo dib u durjiyey kuwa Axmed Madoobe kadib dagaal qaraar

Kismaayo (Caasimada Online) – Ka gadaal markii maanta maleeshiyada Maamulka Jubba weerar ku qaadeen Ciidanka Barre Hiiraale ee degan Deegaanka Goobweyn, ayay maleeshiyada Jubba dib kaga soo gurteen.

Maleeshiyada Jubba oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa waxay ka dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo, sidaana ay ku weerareen Deegaanka Goobweyne, oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii maanta uu Barre Hiiraale boqolaal askari tababar ugu soo xiray Deegaanka Goobweyne, isla-markaana ay dhoola tus ciidan halkaasi ku soo bandhigeen.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee Jubbooyinka, ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Maamulka Jubba, ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.

“Maleeshiyada Raaskambooni oo wata 11 gawaarida dagaalka ah, ayay soo weerareen Goobweyn, waxayna kala kulmeen wixii ay filayeen, dib bayna ugu laabteen Kismaayo.” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xersi.

Korneyl Aadan Rufle waxa uu intaa ku daray in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, isagoo xusay in ugu yaraan laba askari ay ku dhimatay dagaalka, tiro kalana ay ku dhaawacantay, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay u diyaarsan yihiin in ay markale iska difaacaan maleeshiyada Maamulka Kmg ah ee Jubba, haddii weerar rogaal celin ah ku soo qaadaan Deegaanka Goobweyn, sida uu yiri.

Saraakiisha maleeshiyada Jubba, ayaan dhankooda ka hadlin dagaalka ay maanta Ciidamadoodu la galeen Ciidanka Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo muddo sanad ah degan Goobweyn.

Ugu dambeen waxaa adag in la helo ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan.

Dhacdo.com