Guddoomiyaha maxkamada sare oo shaki galiyay xeer ilaaliyaha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu maanta shaqada si rasmi ah ula wareegay xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa waxaa soo baxay dhaliilo ku aadan sidda loo magaacabay.

Haddaba, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa ka dhawaajiyay in maxkamadu taallo dacwad uu soo gudbiyay xeer ilaaliyihii hore ee dalka, Cabduqaadir Maxamed.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in maxkamaddu ay dhawaan ka fadhiisan doonto dacwad ku aadan cidda sharciga ah xeer ilaaliyaha cusub Axmed Cali Daahir iyo kii hore maadama ay arrintaas shaki weyn uu ku dahaaran yahay.

Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ku celceliyay in uusan hadda ka hadli doonin cidda sharciga ah balse wuxuu tilmaamay in Hal Xaaran ah aaney dhaleynin nirig xalaal, taasoo loo fasiri karo in xeer ilaaliyaha cusub aanu ahayn mid sharci ah.

Si kastaba, shaley ayey ahayd markii guddoomiyaha golaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha uu ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinaayay xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka Axmed Cali Daahir.

xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu la dagaallaami doono musuq maasuqa waxa loo yaaqaano, wuxuuna sheegay in uu ka billaabi doono xafiiskiisa oo marar badan la sheegay in ay ka dhaceyn wax yaabo arrintaas sal u leh.

Waxaa sheegis mudan in xeer ilaalihii hore ee qaranka uu tilmaamay in uusan aqbali doonin xil ka qaadista ay ku sameeyeen golaha wasiiradda.

Waxaa muuqata faragalin la sheegay in uu ku hayo hey’adda garsoorka oo ah hey’ad madax bannaan wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com