Dhageyso: Barre: Xasan Sheekh waxa uu sammeeyey arrin gef ku ah qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrin fool xun ku tilmaamay isticmaalka, tallaabadii madaxweyne Xasan Sheekh uu qaaday ee ka dhanka ahayd badda Somalia.

Xildhibaanka, ayaa soo hadal qaaday warqaddii uu madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay Qaramada Madoobe ee ka dhanka ahayd badda Somalia, islamarkaana abuureysay muranka ay Kenya dooneys.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay fiican tahay in xil la iska saaro hantida iyo xuduudaha dalka bad iyo bariba, inta dalka uu ka helayo baarlamaanka awood u leh inuu wax diido iyo inuu wax ogalaado.

Waxaa kaloo uu intaas ku daray hadalkiisa in madaxweynaha uu sameeyay arrin gef ah isla markaana uusan xaq u lahayn in wada hadal aan la ogeyn uu la galo Shisheeye kuna saabsan Badda Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso wareysiga:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com