Muungaab oo afhayeenkii saddexaad ee gobalka Banaadir magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab ayaa magacaabay afhayeenkii 3-aad ee yeesho maamulkiisa tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seko ) oo horrey u soo noqday xildhibaan baarlamaan ayaa loo magacaabay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, waana qofkii seddaxaad oo loo magacaabo xilkaas tan iyo markii Muungaab uu noqday duqa Muqdisho.

Ma cadda wax yaabaha uu salka ku hayo isbadalka degdega ee afheeynka gobalka Banaadir, balse waxaa la lee yahay waxaa jirra culeys la soo darsay labadii afhayeen ee horre.

Muungaab oo xilalka maamulka gobalka Banaadir ku taxay dhallinyaro u badan kuwa wax soo baartay kana soo baxay Jaamacado ayaa hadda maamulkiisa ay ka soo muuqdeen odayaal iyo shaqsiyaad horrey siyaasadda ku soo jiray.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ballan qaaday in uu la immaan doono isbadal iyo horrumar ka badalan maamulkii ka horeeyay balse waxaa jirra dad badan oo saluugsan maamulka gobalka Banaadir.

Arrimaha ilaa hadda maamulka uusan waxbo ka qaban waxaa ka mid ah ammaan darrida ka taagan caasimada.

Si kastaba, la arki doonaa wax yaabaha uu soo kordhiyo afhayeenka cusub ee maamulka gobalka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com