Dhageyso: BF Somalia oo ku dhegan Muungaab kadib markii uu waxba kama jiraan kasoo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa dhaliil adag u jeedisay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey oo xubin ka ah Guddiga Gaadiidka, Wadooyinka, Dekedaha & Garoomada Ee Baarlamaanka, ayaa waxay cadeysay in Duqa Magaalada Muqdisho, uu dhegaha ka fureystay laba goor oo ay u yeereen.

Waxay sheegtay in 2-dii bishii hore ee July iyo 2-dii bishanba inay u yeereen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ha yeeshee aanu hor imaanin, wax jawaab ihi  amaba cudurdaar aan ka soo siinin maqnaanshihiisa.

Sidoo kale waxay sheegtay in ujeedkoodu uu ahaa inay wax ka weydiiyan dhul boob ay sheegtay inuu ka socdo Gobolka Banaadir iyo Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood xiran, dadkuna ay dhibaato ku qabaan.

Iyadoo ka hadleysay kulan uu shalay Baarlamaanku ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, ayay ka sheegtay in uu la soo xiriiray Xoghaynta Duqa Muqdisho, isla-markaana uu u sheegay Duqa, hadana uu ugu celinaayo inaanu jirin wax kala dhaxeeya Baarlamaanka.

Marwo Bishaaro, ayaa Guddoonka Sare Baarlamaanka ka codsatay in si deg deg ah loogu yeero Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, si Baarlamaanka hortiisa uu kaga jawaabo su’aalaha ay qabaan.

Bishaaro waxay ku adkeysay Guddoonka Sare in Muungaab uu horyimaado Xarunta Golaha Shacabka, ka hor inta aynaan Xildhibaanada Baarlamaanku gelin xilligii fasaxa.

Hoos ka dhageyso Xildhibaan Bishaaro

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com