Markab tan culus siday oo kusoo caariye Nugaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in Xeebta Gobolkaasi uu kusoo caariyay Markab.

Wararku waxa ay sheegayaan in Markabkaasi uu mudooyinkaani ahaa mid ciladeysan islamarkaana iminka lagu arkay Xeebta Nugaal oo ka tirsan Puntland.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in goobta uu iminka yaalla Markabka ay dul heehaabayaan Diyaarado dagaal oo iyaga dusha sare kala socda Markabka, waxa ayna wararku intaa kusii darayaan in Markabka uu saarnaa rar.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gaaray Xeebta si ay ula socdaan xaalada Markabka iyo cilada sababtay inuu soo caariyo.

Taliyaha Ciidamada badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Faarax Diiriye ayaa warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka warka Markabkan, Taliyaha wuxuu sheegay in markabkan uu si sharci daro ah u uga kaluumaysan jiray xeebaha Puntland.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Markankan lagu magacaabo Al-Amal lagana leeyahay Dalka Yemen balse uu watay calanka dalka Kuuriyada Waqooyi, Waxaa saaran 33 shaqaale oo ilaa hada ku dul dhibaataysan Markabka dushiisa sida uu taliyaha sheegay.

Saxaafadda ayaa lagu wadaa in goordhow loo soo bandhigo muuqaalka Markabka iyo shaqaalaha ilaa iminka dulsaaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com