Golaha wasiirada DF oo la isku shaandheynayo + Magacyada kuwa baxaya iyo kuwa iman doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sameyn doono isku shaandheyn cusub, ayada qaar ka mid ah wasiirada ay weyn doonaan xilalkooda.

Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay isku raaceen ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, madaxweyne Xasan Sheekh iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamanka Jawaari.

Wasiirada xilalkooda weyn doona ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Odowaa, wasiirka qorsheynta qaranka Cabdiraxmaan Ceynte iyo wasiirka arrimaha dibedda Cabisalaam Hadliye.

Sidoo kale waxaa jiri doona wasiiro xilalka loo kala wareejin doona. Wasiirada cusub ayaa waxaa ka mid noqon doona General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Qeybdiid ayaa xilkan ku helaya heshiis uu horey ula gaaray kooxda Damu-Jadiid oo ahayd inuu madaxweynenimada maamulka Galmudug uga tanaasulo Cabdikariim Guuleed si xilkan loo siiyo.

Isku shaandheynta ayaa dhici doonta khamiista ama Jimcaha, inkasta oo laga yaabo in dib u dhac uu ku yimaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com