Xog: Khilaaf meel xun garaay oo ka dhex taagan Mungaab iyo ku-xigeenadiisa + Dacwad loo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Xubno ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa ay faraqa is heystaan kadib markii Mungaab uu ka beeray shuruucdii u degsaneyd Maamulka Gobolka.

Khilaafka ayaa dhashay kadib markii Gudoomiyaha Gobolka uu isdaba mariyay mushaaraadkii ku-xigeenadiisa, waxa ayna taasi dhalisay in dacwado laga gudbiyo Mungaab.

Dacwada laga gudbiyay Mungaab ayaa taalla Xafiisyada Madaxweyne Xassan, Ra’isul wasaaraha iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Daahir.

Dacwada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Mungaab uu isku koobay awooda Gobolka Banaadir islamarkaana uu waxkama jiraan ka dhigay gabi ahaan ku-xigeenadiisa, sida ay xogtu ku heshay Caasimada.

Guddoomiye ku-xigeenada dacwada gudbiyay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir dhinaca Arrimaha Bulshada Iimaan Iikar iyo Howlaha Guud iyo ku-xigeeno kale, inkastoo wada hadalo hoose ay socdaan oo ku aadan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen, Bales Mungaab uu weli yahay shaqsi ku madax adeegaya go’aanka uu isugu soo koobaayo awooda Gobolka.

Waxa ay dacwada ugu badan tahay mid salka ku heysa bixinta dhulalka iyo shuruucda loo cuskanaayo, waxaana la soo warinayaa in Mungaab uu si sharci darro ah u bixiyay dhulal islaameed oo dadkii lahaa ay dalka safar uga maqan yihiin.

Lama oga go’aanka ay Madaxda Qaranka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xeer ilaaliyaha ka qaadan doonaan waxa uuna Khilaafka imaanayaa iyadoo Mungaab lagu eedeeynaayo musuq-maasuq xili shacabka ay yihiin kuwo dulman.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com