Dhuusomareeb (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, ayaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud halkaasi oo uu maanta tagay.
Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo ka hadlayay xaalada magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in markii hore uu qabay baqdin ku aadan in magaalada Kuleyl badan tahay, laakiin magaalada ay tahay Mid QABOW ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa magaalada kulamo kula qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Waxaa la qorsheynayaa in seddexda maalin ee soo socota ra’iisul wasaaraha uu ku sugnaado magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaase wararka qaar ay sheegayaan inuu tagi doono magaalada Guriceel.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]