Dubai (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahii ee Soomalaiya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dhaliilay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay xiisadda dalalka carabta ee ahaa inay dhexdhexaad ka noqoto, oo aysan dhinac raacin.
Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayuu Sharmaarke, oo hadda ka tirsan aqalka sare, ku sheegay in danta Soomaaliya ay ku jirto inay la safato dalalka Scauudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar, oo ay xiriirka u jartao Qatar.
“Waxaa is haya, afar dowladood iyo hal dowlad oo yar. Waxaa muhiim inaan is-weydiino yaan xiriir la lahayn muddo fog, waa Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar” ayuu yiri Cumar Cabdirahsiid.
“Waxay ahayd inaan qadarino xiriirkii aan muddada fog la lahayn dalalkaas, iyo wixii ay na tareyn, oo aan eegno dadka Soomaalida ee dalalkaas ku nool ee ay wax u qabteen. Qatar weligood Soomaaliya waxba uma qaban” ayuu sii raaciyey Sharmaarke.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya ee dhexdhexaadnimo loo qaatay inay la safatay dalka Qatar, oo ay sidaas aaminsan yihiin xulufada dalka Sacuudiga.
Sharmaarke ayaa muddo fog xiriir la lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo maal-gelisay ololihiisa doorashada, ee fashilmay.
Waxa uu hadda Imaaraadka u qaabilsan yahay, oo uu isku xiray dowladaha xulufada iyo mamaul goboleedyada Soomaaliya, oo dhammaantood taageeray Sacuudiag iyo Imaaraadka, oo lacag badan ku bixiyey.
Hoose ka dhageyso wareysiga Sharmaarke
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

