Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaaya isticmaalka Qamriga, kadib markii laga gaabiyay la socodka soo galida Qamriga ee Muqdisho.
Qamriga ugu badan ayaa lagu kala iibsadaa gudaha Garoonka Aadan Cadde, halkaa oo Saldhig u ah Shisheeyaha aan lala socon dhaqdhaqaaqooda.
Qamriga ayaa waxaa sidoo kale qaab ganacsi ah looga soo dajiyaa Dekadda magaalada Muqdisho, iyadoo soo dajintooda dhaqaale xoogan lagu siiyo xubno ku dhow dhow Maareeyaha Dekadda oo ka macaasha howlaha ceynkaasi ah.
Goobaha ugu badan ee xiligaani lagu cabo ayaa waxaa kamid ah qaar kamid ah Hoteelada iyo Baararka Muqdisho, kuwaa oo ay ku xiran yihiin dadka sida saa’idka ah u isticmaala.
Sidoo kale, waxaa jira goobo qarsoodi ah oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarama kuwaa oo lagu kala iibiyo Qamriga, waxaana xusid mudan in lagu kala gudbiyo Mootooyinka loo yaqaan Bajaajka.
Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan weli u suuragalin inay ka hortagto muqaadaraadka kusoo qulqulaaya dalka, inkastoo ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan oo isticmaala qamriga.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

