25.6 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Shirkii isimada Puntland iyo beesha Leelkase oo fashil ku dhammaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Shir Garowe uga socday ergo ka kooban madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Leelkase iyo qaar ka mid ah isimo ka soo jeeda beelaha kele ee Puntland ayaa soo dhamaaday iyadoo aysan ka soo bixin natiijo ku saabsan arrintan kulankan loo qabtay.

Beeshaan casuuntey Issimadaan ayaa aheyd iney cod tageero ah ka helaan duubabka dhaqanka kaasoo ahaa qorashaha ay ku doonayaan in xubnaha Barlamanka Puntland ku leeyihiin loo kordhiyo.

Xogaha aan helayno ayaa xusaya in Isimada beesha Laylkase kala qayb galay kulankaan ay u shegeen in qadiyadan keligood waxba kala qaban karin iyagoo ku sababeeyey maqnaan-shaha inta badan madax dhaqamedka,  waxaa kele oo ay u jeediyen in Madaxweynaha Puntland la kashadaan sidii arrintan loo dhamayn karo.

Ergada beesha Leelkase aayaa cudurdaarkas ay u muujiyeen Isimada shirka kala qayb galay kadib talo iskula noqdey taasoo aan la ogayn waxa kasoo bixi doona.

Beesha Leelkase ayaa horey Madaxweynaha Puntland uga soo dhameystey in Dastuurka loo furo si kororsiimo loogu sameeyo kuraasta ay ku leeyihiin Barlamanka Puntland balse arinkaas ayaa fashilmey kadib markii uu ka hor yimid qodobo Dastuurka ku jira halka xildhibaanada golaha shacabka diideen gabi ahaan in ajandahaan la horkeeno kalfashiga 39aad.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News