28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Hubkii Muqdisho laga ururiyry xaggee ayuu ku dambeeyey?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya cabashooyin laga muujinaayo howlgalada Hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ee dowladda ay wadday muddo dhowr toddobaad ah.

Hub ka dhigista oo muddo kooban ku saameysay guud ahaan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadda la sheegayaa inuu gaabis ku yimid maalmihii dhowaa.

Arrintan ayaa waxaa loo sababeeyay inay jiraan Hub fara badan oo lagu qabtay howlgalka hase yeeshee ka baxay gacanta dowlada.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Hubka qaar ee lagu qabtay howlgalada laga waayay goobihii lagu xareeyay.

Hubka ayaa gacanta u galay qeybo kamid ah Saraakiisha kuwaa oo qudhoodha la tilmaamay inay ka dhex macaashayeen howlgalka Hub ka dhigista oo ay qeyb ka ahaayen.

Hubka ilaaiyo hadda la la’ yahay ayaa waxaa ku jira noocyada AK77, PKM, Dhashiikayaal lagu qabtay howlgalada lagu uruurinaayay Hubka sharci darada ah, waxa ayna taa sababtay in la qafiifiyo howlgalka Hub ka dhigista.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News