Dhageyso: CC Shakuur oo ka hadlay xiisadda Kenya “Ma ahan in aan billowno fowdo oo dhagax qaadano”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan siyaasadda dowladda ayaa si kulul uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in xiisaadda cusub loo baahan yahay in loo maro hab raac wanaagsan oo siyaasadeed, islamarkaana ay wanaagsan tahay inaan loo marin hadalo xanaf iyo xiisad kale abuuri kara.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahan yahay in waxyaabaha qaar ee masiiriga ah ka qeyb galiyaan talo ahaan xisbiyada kala duwan ee dalka iyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Markii ugu horeysay ayuu ka hadlay dadka cadaadiska ku saaraya dowladda Soomaaliya inay qaadato go’aano xiisad kale abuuri kara, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dowladda laga daayo cadaadiska lagu saarayo xiisadda ka cusub dhanka Kenya iyo Somalia.

“Maalmahaan waxaan arkayay dhalinyaro badan oo ah kuwa aadka u taageera dowladda oo dhahaya Jaadka hala  joojiyo iyo waxyaabo kale, waxaan leeyahay dowladda cadaadiska halaga daayo, dowladana waxaa looga baahan yahay inay go’aanadaan oo kale inay latashiyo kala sameyso xisbiyada iyo maamul goboleedyada” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Dhulka ay Kenya sheeganeyso ayuu sheegay inuu yahay dhul Soomaaliyeed, islamarkaana lagu raadin doono hanaanka saxda ah, maadaama caalamka uu ka jiro heshiisyo kala xadeeya dowladaha isqabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com