Kenya: Aqalka Sare oo war kasoo saaray kiiska badda ee Somalia iyo Kenya iyo guul-darro ay sheegeen…

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Golaha aqalka sare ee Kenya ayaa sheegay in uu ka kalsoon yahay in Soomaaliya ay ku guul-darreysan doonto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Kithure Kindiki, ayaa dadka Kenyaanka ah niyadda ugu dhisay in ay ka wal wal la’aadaan dacwadda dhinaca Badda ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo sheegay in Kenya ay guuleysan doonto.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid aan waafaqsaneyn xaqiiqda jirta iyo cabsida xukuumadda Kenya, oo dooneysa in kiiska maxkamadda laga laabto laguna dhameeyo wada-hadal, ayada oo wararku sheegayaa inaysan kalsooni badan qabin.

Kithure, ayaa sheegay in biyaha la isku heysto oo gaaraya 100,000km ay si rasmi ah u leedahay Kenya, Soomaaliyana ay dooneyso in ay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah biyaha Dalka Kenya.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2014-kii kiiska muranka labada dal horgeysay Maxkamadda ICJ, waxaana ay Kenya dood ka keentay kiiskaas oo ay sheegtay in ay dooneyso in bannaanka lagu xalliyo.

Labada dal, garyaanno ka socda ayaa isku wajahay Maxkamadda,waxaana Soomaaliya ay ku guuleysatay wareegga 1aad oo kaliya ahaa in kiiska ay Maxkamadda qaaddo iyo in meel aan maxkamad ahayn ay labada dal ku heshiiyaan.

Kenya oo ilaa hadda ka biya diiddan in kiiskan ay Maxkamadda gasho ayaa waxaa ay sabtidii la soo dhaafay dalkeeda ka soo ceyrisay danjiriha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,waxaana ay sidoo kale la baxday danjiraheedii Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com