Dhageyso: Cod laga duubay danjire Madeira oo muujinaya sababta dalka looga eryey

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacado kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu amray inuu dalka 48 saac gudahood uga baxo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madeira ayaa waxaa soo baxay cod sir ah oo laga duubay ergeyga.

Codkan oo si qarsoodi ah looga duubay Madeira ayaa muujinaya waxa ra’iisul wasaaraha Rooble ku dhaliyey tallaabada uu qaaday, ooh adda u muuqata mid 100% sax ah.

Madeira waxa uu si anshaxa ka baxsan ugu gefayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka sameeyey been abuur cad oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Xoogga General Odowaa Yuusuf Raage. 

Madeira wuxuu sidoo kale u gefayaa laba madaxweyne oo hore oo uusan magacaabin, balse la rumeysan yahay inuu ula jeedo Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Waxaa intaas dheer inuu aflagaadeynayo una gefayo beesha ay ka dhasheen Rooble, Shariif iyo Xasan Sheekh. 

Arrinta ugu xanuunka badan ee qalbiyo badan taabatay ee uu Madeira ka hadlay ayaa ah dilkii iyo dulmigii loo gyastay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo uu suurad xumeynayo, hoosna u dhigayo, isaga oo ka dhigaya wax aan macno laheyn, kuna jees jeesaya qaraxii lagu dhammaaday ee Beledweyne.

Wuxuu mucaaradka dowladda ku eedeynayaa inay fursad ka dhigteen qaraxii Beledweyne iyo dilkii xildhibaan Aamina, si ay uga aargoostaan, buu leeyahay, madaxweyne Farmaajo.  

Wuxuu sidoo kale weerar ku qaadayaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo isweydiinaya sababta uu Madaxweyne Axmed Madoobe ugu taageero qaddiyadda Gobolka Gedo iyo arrinta deegaan doorashada Garbhaarey. 

Codkan marka la dhageysto wuxuu fadeexad weyn ku yahay Madeira iyo guud ahaan Midowga Afrika. Wuxuu sidoo kale dhaawacayaa madaxweyne Farmaajo oo difaacay Madeira kana horyimid xil ka-qaadista lagu sameeyey.