Dhuusomareeb(Caasimada Online) – C.raxmaan Cali Geedo Qorow ayaa ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kaasi oo saaka dib kaga bilowday degmadaasi, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkaasi ayuu sheegay Geedo-qorow inuusan u dhaxeeynin ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa dowlada Soomaaliya, laakiin uu u dhaxeeyo kooxo hubeysan oo uu sheegay inay ahaayeen dhalinyaro lasoo qalday sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in labo ruux ay qaldeyn dhalinyarada dagaalka ka geysatay degmada Guriceel iyo degmada Dhuusomareeb, wuxuuna sheegay in dadkaasi ay ka tirsanaayeen Ahlu sunna.
Gudoomiyaha Ahlu sunna ee degmada Dhuusomareeb Mr Geedo-qorow ayaa sheegay in xaalada degmada iminka ay tahay mid degen, wuxuuna qasaaraha dhimashada uu ku sheegay hal ruux iyo dhaawacyo dad gaar ah soo gaaray.
Sida xogta aan ku helayno dagaalka ayaa u dhaxeyay ciidamo si gaar ah u tababaran oo loo yaqaan Al-sufa iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

