28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Damu-Jadiid oo astaamo yaab leh ka raadinaya xubnaha doonaya R/W !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu sareysa Dam-Jadiid iyo Madaxweyne Xassan Sheekh ay weli ku howlan yihiin baadi-goobka wax ay ugu yeereyn “Siyaasi Jilicsan” oo loo magacaabo ra’iisul wasaare.

Wararka qaar waxa ay sheegayan in Madaxweyne Xassan uu Saraakiisha ugu sareysa Dam-Jadiid la hor tagay Liis dheer oo ay ku qoron yihiin in kabadan 6 Siyaasi oo uu doonaayo inuu kasoo dhex xusho Ra’isul wasaaraha Cusub, waxaana arrintaasi is hortaagay Xubno ka tirsan Saraakiisha Dam-Jadiid oo Siyaasiyiinta Liiskaasi ku qoran u arka kuwa aan hirgalin karin Siyaasada Ururka.

Saraakiisha ayaa waxa ay Madaxweyne Xasan ku cadaadinayan inuu la imaado Siyaasi aan u mowqif adkeyn sida ra’iisul wasaare Cabdi Weli, islamarkaana aan caqabad ku noqon karin danaha gaarka ee Ururka.

Waxaa la sheegaya inay si gaar ah u raadinayaan siyaasi danta ururka Damu-Jadii ka hormarinaya wax walba oo xitaa danaha beeshiia ay ka mid tahay.

Waxyaabaha kale ee laga eegayo xubnaha sharaxan waxaa ka mid ah inaysan horey ugu jirin siyaasadda dalka, islamarkaana aysan lahayn saxiibo badan.

Waxaa weli socda xulashada Madaxweyne Xassan uu ku baadi-goobayo Ra’isulwasaaraha waxaana xusid mudan in Xafiiska Madaxweynaha xili waliba ay ku sugan yihiin Odayaal iyo Siyaasiyiin dadaalo kala duwan ugu jiro gudbinta shaqsiyaad u matali karo buuxinta Xafiiska uu faarujiyay Sii haayaha xilka Ra’isulwasaarenimo ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News