Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Madaxtooyada Somalia, ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ay Caqabad ka heysato dhanka BF Somalia, kadib markii Xildhibaanadii Mooshinka waday ay kala boodeen.
Sida ayay wararka sheegayaan xildhibaanada ayaa waxa ay ku wargaliyeen in lacagtii uu horey u bixiyey ay ahayd mooshinka kaliya, laguna riday ra’iisul wasaare Cabdi Weli, sidaa darteedna ansixinta Ra’iisul wasaraha cusub ay noqoneyso lacag cusub.
Madaxweyne Xasan oo ku jahwareersan helista Ra’isul wasaare u qalma, ayaa waxaa hadana ay Caqabad kala soo deristay Xildhibaanadii la riday Xukuumada C/weli, waxa ayna arrintaani xiligaani rajo xumi ku riday Madaxweyne Xasan oo culeys uu kasoo food saaray dhan kasta.
Xasan ayaa waxa uu waqti badan xiligaani ku bixinayaa kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Xildhibaanada ku wargaliyay inay dhaqaale Labaad ku qaadanayaan meel-marinta Ra’isul wasaaraha, haddii taasi lawaayana ay laadi doonaan Xukuumada Cusub.
Waxaa hadda socdo wada hadal u dhexeeya Ergooyin ka socda dhanka Madaxweynaha iyo BF Somalia kuwaasi oo ka wada-xaajoonayo sidii loo joojin lahaa Arrinta la xiriirta qaadashada dhaqaalaha labaad, walow Xasan uu diyaar u yahay in meel-marinta Ra’isul wasaaraha cusub ku bixiyo dhaqaale aan sidaa u badneyn.
Waxaa arrintan sii dheer in xildhibaanadii diidanaa mooshinka ay ayagana ku dhaarteen inaysan xukuumadda cusub siin doonin codka kalsoonida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

