Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheikh Axmed ayaa warbixin xiiso leh oo ku saabsan xaaladda dalka u jeediyey qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha.
Cabdi Weli, ayaa khudbad Teleconference ah oo sidoo kalena su’aalo lagu weydiiyey siiyey illaa sagaal kun (9000) oo qof oo meelo badan oo dunida kala joogay oo dhageysanayey.
Mudane Cabdi Weli ayaa ka sheekeeyay guulaha ay gaartay xukuumadiisa, isagoo u kala qaad qaaday sida:
1) Arrimaha Nabadgalyada
2) Arrimaha Bulshada
3) Arrimaha Dhaqaalaha
4) Arrimaha Siyaasadda
Cabdi Weli, ayaa sidoo kale ka hadlay shirka Copenhagen ee dhacaya bishaan 19-20, oo uu ka muujiyay rajo aad u wanaagsan, isagoo sheegay inuu ka xun yahay khilaafka yar ee jira, islamarkaana uu rajeynayo inuusan saameyn ku yeelan doonin shirka.
Cabdi Weli ayaa sidoo kale soo qaaday oo wax laga weydiiyey khilaafka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu xog ka bixiyey heerka uu marayo iyo sida uu rajeynayo in xal looga gaari karo.
Halkaan hoose ka dhageyso R/W Cabdi Weli
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

