26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhageyso: Gaas oo sii kiciyey xiisada Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas oo dadweyne badan kula hadlay deegaanada Xarfo iyo Burtinle ayaa shaaciyay hadal sii hurin kara xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo,

C/welli Gaas, wuxuu sheegay in marnaba aysan gorgortan ka galeynin dhulka lagu muran yahay ee uu ka dhashay dagaalka u dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug oo sababay dhumasho, barakac iyo dhaawac soo gaara dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu si cad u sheegay iney difaacayaan shacabka Puntland iyo dhulka Puntland, maadaama uu sheegay inuu iyaga masuuliyad ka saaran tahay.

C/welli Gaas ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna u yimid magaalada si uu xal looga gaaro xiisada ka taagan magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News