DHAGEYSO: Danjire Salaad Cali Jeelle oo faahfaahiyey khilaafki Farmaajo iyo Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Djibouti Salaad Cali Jeelle ayaa hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti iyo saameynta ay shaqadiisa ku yeellatay mugdigii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay dowladda Djibouti iyo maamulkii madaxweynihii hore ee Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Salaad Cali Jeelle, oo haatan ku sugan dalkan Maraykanka ayaa wareysi ay VOA ku sheegay in markii xilka safiirka Soomaaliya ee Jabuuti loo magacaabay uusan jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyey labada dowladeed, balse wuxuu xusay inuu soo dhaweyn fiican kala kulmay madaxweybe Ismaaciil Cumar Geelle.

“Runtii markii aan aniga tagay xilligaas waxbaa jiray, xiriirka labada dhinac ma uusan wanaagsaneyn waana iga horreeyey, xaaladda oo fiicneyn ayaa meesha tagay, balse nasiib wanaag madaxweyne Ismaaciil oo aan horey isku naqaanay oday guud oo Soomaaliyeedna ah ayaa isoo dhaweeyey, waxaana kala kulmay wada-shaqeyn fiican,” ayuu yiri.

“Markii aan shaqada billaabay waxaan ka shaqeeyey in xaaladda la dajiyo maadaama dadkaan uu ka dhaxeeyo dhiig walaaltinimo, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelana gacan fiican ayuu igu siiyey in xaaladda la dajiyo oo hoos loo dhigo, islamarkaana aysan Soomaaliya iyo Jabuuti u dhaqmin sida labada dowladood oo kale.”

Mar wax laga waydiiyey xiriirka kala dhaxeeya madaweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku jawaabay “dalka hal dowlad ayuu leeyahay, cidda mar kasta xilka qabato waa in lala shaqeeyo sida ay tahay waajibadka muwaadinka, madaxweynaha cusub markii la doortay waa u hambalyeynay ka safaarad ahaan, kadibna nasiib wanaag wuxuu noogu yimid Jabuuti, runtii si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey wuxuuna madaxweyne Ismaaciil u arkay shaqsigii ugu wanaagsanaa ee uu la shaqeyn karo, runtiina arrintaas aniga farxad weyn ayey igu abuurtay.”

Salaad ayaa sheegay in xiriirka labada dowladood uu hadda yahay mid wanaagsan, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeeyey hal ku dhigiisii ahaa “Soomaali heshisi ah dunidana heshiis la ah”.

Mar wax laga waydiiyey dhaliilihii uu u jeedin jiray madaxweyne Xasan Sheekh ka hor inta aan la dooran ayuu ku jawaabay “Anigaba waan ogahay, markii uu Jabuuti yimid si fiican ayaan u gacan qaaday isna ma ahan madaxweyne maanka ku haya wixii hore, arrintaas waxay aheyd mid in laga garaabo mudan.”

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran